Dowladda oo ka jawaabtay warqaddii Golaha Mustaqbalka uu diray.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay warqad furan oo uu isbahaysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya u diray shirweynaha Kampala ee dhacaya dabayaaqada bishan, kaas oo looga hadli doono mustaqbalka hawlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee Soomaaliya. isbahaysiga ugu weyn mucaaradka, ayaa warqad furan oo uu u diray hoggaamiyayaasha wadamada ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, ee kamidka ah hawgalka Midowga Afrika, ku booriyay in ajandaha shirkood